U bood dhigaalka

Madaafiic Lagu Weeraray Magaalada Baladweyne Ee Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dhowr madaafiic ah lagu weeraray xalay magaaladaasi.

Dhanka galbeed ee magaalada Baladweyne ee xaafadda Howlwadaag ayay ku dhaceen madaafiicdani kuwaasoo laga soo tuuray dibadda magaalada.

Dadka degaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in madaafiicdani ay qalqal iyo cabsi galiyeen mar qura iyadoo ay tahay xilli dambe oo habeenkii ah.

Wariyaheenna ayaa ku soo warramaya in hal qof oo wiil yar ah uu dhaawac ka soo gaaray illaa 6 hoobiye oo ku dhacday xaafadda Howlwadaag.

Wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in khasaaraha oo yar ay sababeen in madaafiicdaasi ay badankood ku dhaceen meel bannaan ah.

Xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne waxaa ku taalla xero ciidan oo ay leeyihiin ciidamada Jabuuti ee AMISOM.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qorshaha uu ahaa in xaruntaasi ciidan lagu  beegsado madaafiicdaan oo la rumeysan yihiin inay soo tuureen dagaalyahannada Alshabaab oo weli maamulaya qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Goobjoog News