U bood dhigaalka

Madaafiic Lagu Weeraray Xarumo Ciidan Oo Ku Yaalla Degaanka Ceelcali Ee Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya maanta degaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in duqeymo loo geystay xarumo ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ay ku leeyihiin ay ka dhaceen degaankaasi.

Madaafiicdani ayaa la sheegay in ku dhaceen degaankaasi kuwaasoo laga soo tuurey duleedka Ceelcali.

Degaanka Ceelcali ayaa ku yaalla dhanka galbeed ee magaalada Baladweyne waxaana uu u jiraa magaaladaasi qiyaas dhan 75KM.

Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News waxay sheegeen in madaafiicdani lala beegsanayay xarumo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degaankaasi.

Maamulka degaanka oo Goobjoog la hadlay ayaa u xaqiijiyay jiritaanka madaafiicdaasi lagu garaacay degaanka wuxuuna ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Alshabaab, isagoo tilmaamay in wax hoobiyeyaal ah aysan ku soo dhicin fariisimaha dowladda iyo AMISIM oo meelo kale oo degaanka ah ay ku dhaceen.

Alshabaab ayaa dhankooda baraha internet-ka ay ku leeyihiin ku sheegtay inay weerar madaafiic ah u geysteen xarumo ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin degaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa iminka deggan waxaana dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayaa fariisimaha ay ciidankaasi ka deggan yihiin degaanka Ceelcali oo ah halka duqeymaha madaafiicda ah lagu garaacay.

Goobjoog News