U bood dhigaalka

Madaafiic Lagu Weeraray Xero Ay Ciidanka Itoobiya Ku Leeyihiin Hiiraan

Sheeko:Dalka

Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxay madaafiic ku weerareen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan.

Ku Dhowaad 5 Madfac oo Hoobiye ah ayaa la sheegay in Xerada lagu tuuray, qaarkoodna madaafiicda ay gudaha u gashay xerada, halka kuwo kalena ay ku dhaceen meello bannaanka ka ah halkaasi.

Abiikar Yarow oo ah guddoomiyaha deegaanka Ceel-Cali oo la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay in aanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeyntan, balse wuxuu tilmaamay in ciidanka Itoobiya ay iyaguna duqeyntaasi ka jawaabeen.

“Madaafiic aan badneyn bay xerada ciidamada Itoobiya kusoo tuureen, ma jiro wax khasaare ah oo halkaasi ka dhashay, iyagana waa loo jawaabey, kaliya Al-shabaab waxay madaafiicda usoo tuurayaan waa hala ogaado waan joognaa waaye” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhinaca kale Guddoomiye Abiikar ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay daba socdaan ciidamada Al-shabaab ee madaafiicda kusoo weeraray deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan.

Goobjoog News