U bood dhigaalka

Madaafiic Maanta Kusoo Dhacday Xaafado Ku Dhow Madaxtooyada Soomaaliya Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa maanta kusoo dhacay xaafado ka tirsan degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafado ku dhow xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Afar Madfac oo Hoobiye ah ayaa la xaqiijiyey in halkaasi kusoo dhaceen, waxaana ku dhintay Hal ruux iyadoo Saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Dad Goob joogayaal ah ayaa u sheegay Goobjoog News in qofka dhintay uu ahaa Canug yar kadib markii uu Hoobiye ku dhacay hoygii uu ku sugnaa.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda madaafiicdaasi lasoo tuuray sidoo kalena ma jirto wax faah faaahin ah oo ay arrintaan ka bixiyeen saraakiisha amniga gobolka Banaadir.

Madaxtooyada Soomaaliya waxa uu shir uga socdaa madasha wadatashiga qaran.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News