U bood dhigaalka

Madaafiic Sababtay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Caawa Ku Dhacday Degmada X/jajab Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ugu Yaraan Labo ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen Madaafiic caawa fiidkii ku dhacday xaafado ka mid ah degmada X/jajab ee magaalada Muqdisho.

Salaadii Maqrib kadib ayaa mar qura waxaa laga war helay dhowr madfac oo hoobiye ah islamarkaana ku dhacaya degmadaasi.

Sidoo kale wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in maadaafiicdan qaarkeed ay ku dhacday xaafado kale oo ku yaalla degmada Waabari oo jaar la ah degmada X/jajab.

Dadkii dhaawaca ahaa ayaa loola cararay xarumha caafimaadka ee magaalada Muqdisho, waxaana dadka qaar ee dhaawacan la sheegayaa in xaaldooda ay halis tahay.

Shacabka ayaa mar qura qalqal ku beermay kadib markii ay ka war heleen madaafiic xoogan oo xaafadahooda kusoo dhacaysa.

Weli saraakiisha amniga magaalada Muqdisho kama aanay hadal madaafiicdan, balse tani ayaa imaanaysa xilli amniga magaalada uu faraha kasii baxayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco warar keena kale

Goobjoog News