U bood dhigaalka

Madasha Badbaado Qaran: Waxaan Qaadi Doonnaa Tallaabooyin Ka Dhan ah Muddo Kordhinta

Sheeko:Dalka

Hogaanka iyo xubnaha madasha Badbaado qaran ee Soomaaliyeed ayaa qabatay kulan looga doodayay  muddo kordhinta sharaci darrada ah uu Golaha shacabka  u sameeyay Madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhamaaday.

Kulanka sidoo kale waxaa looga hadlay sida wadanka looga badbaadin karo xaaladda adag uu wadanka galiyay Madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday waxayna soo saareen go’aannadaan:

  1. Go’aanka golaha Shacabka ay ugu dareen Muddo labo sano ah Madaxweynihii hore waa sharci darro.
  2. Go’aanka waxa uu Qatar ku yahay xasiloonida, nabadda, midnimada qaranka iyo umadda Soomaaliyeed.
  3. Go’aanka waa isku day looga leexanaayo dadaalladii ugu dambeeyay si loo gaaro hishiis loo dhanyahay iyo doorasho si nabad ah uga dhacda wadanka iyada oo la fulinaayo hishiiskii 17 September.
  4. Madasha, iyada oo la tashaneyso qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxay qaadi doontaa tallaabooyin lagama maarmaan ah oo ka dhan ah muddo kordhinta aan sharciga aheyn waxyna qaadi doonta tallaabooyin si loo helo xalka waqtiga kala guurka ah.

Goobjoog News