U bood dhigaalka

Madasha Oo La Kulantay Guddiyada Amniga Qaranka, Doorashooyinka Iyo Xaqiijinta Qoondada Haweenka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda xubnaha ka ah Madasha Hoggaamiyeyaasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta kulamo la qaatey guddiyo kala duwan oo ay ka wadahadleen arrimaha doorashada iyo amniga qaranka.

Madasha ayaa ugu horeyn kulan la yeeshay Guddiga Diyaarinta Doorashada ee Heer Federaal oo uu horkacayay Guddoomiyaha guddigaasi Cumar Maxamed Cabdulle.

Madaxda madasha ayaa warbixin ku saabsan jadwalka doorashada ka dhegeystey guddiga, waxaana ay guddiga ku bogaadiyeen hawsha ay hayaan.
Waxaa sidoo kale madaxda madashu ay kulan la yeesheen Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee goleyaasha qaranka, iyagoo ka wadaxaajooday sidii qoondada haweenka loo meel marin lahaa.

Hoggaanka madasha ayaa sidoo kale kulan muhiim ah la qaatey Guddiga Amniga Qaranka oo ka warbixinayey xaaladda amniga dalka iyo diyaargarowga doorashada.

Shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha DFS iyo Dowlad Goboleedyada oo toddobaadkii hore furmay ayaa galey maalintiisii afraad, iyadoo ay ka qeybgalayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, iyo madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Koonfuur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.
———————————DHAMMAAD——————-——–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya