U bood dhigaalka

Madasha Qaranka Oo 3dii Bilba Mar Kulmi Doonta

Sheeko:Dalka

Sida uu ra’isul wasaare Xasan Khayre u sheegay golahiisa wasiirrada, madaxda qaranka iyo madaxwenayaasha maamul goboleedyada ayaa la isku afgartay in ay kulmaan 3dii bilba mar.

Go’aankan waxaa lagu gaaray shirkii 17kii bishan lagu gabagabeeyay magaalada Muqdisho kaas oo xoogga lagu saaray amniga iyo dhismaha ciidanka qaran.

Shirkii golaha wasiirrada ee Khamiistii waxaa arrinkaas ka hadlay Khayre isaga oo sheegay in si wanaagsan la isagu afgartay dhammaan arrimihii laga hadlay ayna muuqato yididiilo iyo kalsooni wadashaqeyn buuxda leh.

Waxaana la isla gartay in 3dii biloodba mar ay kulmaan, lagana wada howlgalo sugida amniga dalka oo dhan, iyadoo ciidanka la wada qarameyn doono dhowaan.

Goobjoog News