U bood dhigaalka

Madasha Wadatashiga Qaranka Oo Maanta Shaacin Doonta Nooca Doorashada 2016

Sheeko:Dalka

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyo shirka madasha wadatashiga Qaranka oo 14-kii bishaan ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan ayaa shalay la filayay in lasoo gabagabeeyo hase ahaatee maanta ayuu dib ugu dhacay, iyadoo lagu dhawaaqi doono nooca doorashada 2016-ka, maadaama ay jireen kala aragti duwanaansho ku saabsan hanaanka loo soo xuli doono xildhibaanada soo socda.

Maamul gobaleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa watay aragti ah in doorashada ay noqoto hab deegaan oo xildhibaanada lagu soo xulo qaab degmo, halka maamul gobaleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay iyaguna qabeen aragti ah in doorashada ay noqoto mid lagu saleeyo hanaanka qabiilka ah ee 4.5.

Xalay, shalay iyo habeen hore waxaa magaalada Muqdisho ka socday kulamo gaar gaar ah kaasi oo madaxda Soomaalida uga arrinsanayeen sidii loo helo lahaa go’aan loo mideysan yahay.

Labada Nooc ee hadda lagu kala aragti duwan yahay mid ka mid ah ayaa maanta la’isku raaci doonaa sida qorshaha uu yahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News