U bood dhigaalka

Madasha Xisbiyada oo Dalbatay in Baaritaan Lagu Sameeyo Wararka Sheegaya inuu Xiriir Ka Dhaxeeyo Hay’adda NISA iyo Al Shabaab

Sheeko:Amniga

Madasha xisbiyada qaran oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa waxa ay dalbatay in baaritaan lagu sameeyo wararka qaar ee sheegaya inuu xiriir ka dhaxeeyo hay’adda nabad sugidda qaranka ee NISA iyo dagaalamayaasha Al shabaab.

Madasha oo soo saartay warqad ku socotay madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweynaha, ra’isulwasaaraha gudddoonka labada aqal ee baarlamaanka iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa waxa ay walaac xoog leh ka muujiyeen xiriirla sheegay inuu ka dhaxeeyo NISA iyo Al shabaab taas oo ay sheegeen inay cabsi badan ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed.

“Xogaha la isla dhexmarayo baraha bulshada ee ku aaddan wadasheekeysiga taliyayaasha labada aag ee hay’adda NISA iyo Al shabaab In lagu sameeyo baaritaan madax bannaan oo dhameystiran si xaqiiqada jirta ummadda loogu soo bandhigo” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madasha xisbiyada qaran.

Dhanka kale madasha ayaa dalbatay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo weerarkii 24-kii july ka dhacay xarunta gobalka Banaadir weerarkaasi oo ku nafwaayeen masuuliyiintii ugu sareysay maamulka gobalka.

Halkaan ka akhriso qoraalka madasha xisbiyada

Image may contain: text

Image may contain: text

Goobjoog News