U bood dhigaalka

Madasha Xisbiyada Qaran oo Dalbatay Doorasho Xor Ah oo Waqtigeeda Ku Dhacda

Sheeko:Dalka

Madasha xisbiyada qaran ayaa waxa ay warmurtiyeed ka soo saareen doorashada dalka ku soo wajahan ee la filayo in ay qabsoomto sanadka 2020-2021, xilli dunida uu kala xiray caabuqa Coronavirus, wax ayna madashu ku baaqday in doorashada ay noqoto mid waqtigeeda ku dhacda.

Ugu horeyn madashu waxa ay ka dhawaajisay in loo baahan yahay doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacda islamarahaantaana aysan dhicin waxmuddo kororsi ah.

Qodobada kale oo ay soo saareen ayaa waxaa qeyb ka ah in dowladda federaalka iyo kuwa xubnaha ka ah ay doorashada u qoondeeyaan dhaqaalo islamarkaana waxa ay sheegeen in haatan ififaalahaasi uusan muuqan.

Dhinaca kale madasha xibiyada qaran ayaa sheegtay in loo baahan yahay in hanaanka doorasho ee dalku uu noqdo mid mideysan, waxa ayna sidoo kale hadalkooda ku dareen in shacabka Soomaaliyeed loo baahanyahay in ay fursad u helaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen doorashooyinkaasi.

Ugu dambeyn madashu waxa ay tilmaamtay in loo baahanyahay in la hubiyo hantida guud ee qaranka in aan loo adeegsan doorashooyinka.

Haddaba halkaan ka akhriso warka ay soo saareen madasha xibiyada qaran

 

 

Image may contain: text

Image may contain: text

Goobjoog News