U bood dhigaalka

Madasha Xisbiyada Qaran oo Soo Dhoweysay Guddiga uu Magacaabay Guddoonka Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhoweeyay guddigii uu magacaabay guddoomiyaha aqalka sare ee loo xilsaaray isku keenidda madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada si la isugu yimaado miiska wadahadalka.

“Waxaan soo dhaweynayaa guddiga uu magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi ee ka howlgali doona isku-keenista madaxda labada heer Dowladeed iyo qabsoomidda shirka looga arrinsanayo hannaanka lagu geli doono doorashooyinka Qaranka 2020/2021, si loo helo hannaan raali ay isaga yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda ee dalka” ayuu yiri Sheeklh Shariif.

Shariif Sheekh ayaa arrinkaas waxa uu ku tilmaamay tallaabo dhiira gelin mudan isaga oo yiri “Waa tallaabo mudan dhiiragalin iyo garab istaag, maadaama guddoonka Aqalka Sare ay muujiyeen biseyl iyo inay ka go’antahay xal ka gaarista mashaakilka muddada dheer u dhaxeeyey Madaxda labada heer ee dalka oo kala ah Dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah”.

Maamul goboleedyada qaar ee dalka ayaa horey waxa ay uga dhawaajiyeen in Villa Soomaaliya ay ka caga jiideyso sidii loo qaban lahaa shir wadatashi ah kaas oo dhexmara madaxda qaranka ee heer federal.

Goobjoog News