U bood dhigaalka

Madasha Xisbiyada Qaranka Oo Soo Dhawaysay Shirka Dhuusamareeb Ee Madaxda Maamul Goboleedyada

Sheeko:Amniga
Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD qeybna ka ah Madasha Xisbiyada Qaran Mudane Xassan SHiekh Maxamuud ayaa si faahfaahsan uga hadlay go’aanka madasha ee ku aadan Arrimaha doorashooyinka iyo shirka wadatashiga ah ee Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ay ku lee yihiin magaalada dhuusamareeb.
 Waxa uu sheegay in madashu ay soo dhaweyneyso wadahadal walba oo horseed u noqan kara in la helo wax heshiis lagu yahay, isaga oo dowladda federaalka ugu baaqan in ay si faahfaahsan uga jawaabto arrimaha doorashooyinka qaranka.
 Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowlad goboleedyada in ay xoojiyaan wadatashiyada la xiriira doorashooyinka iyo samata bixinta qaranka islamarkaana ay ka qeyb galiyeen dhammaan shacabka.
Halkan Ka Daawo Madaxweyne Xasan Oo Ka Hadlay Mowqifka Madasha Ee Shirka Dhuusamareeb

Goobjoog News