U bood dhigaalka

Madasha Xisbiyada Siyaasadda oo Muqdisho Looga Dhawaaqay

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta magaalada Muqdisho looga dhawaaqay isbaheyi la magac baxay “Madsha xisiyada Qaran” oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 10 xisbi siyaasadeed.

Madasha waxaa afhayeen u dooratay Cabdiladhif Muuse Nuur, waxaa lagu wadaa in qorshaheeda lagu dhawaaqo iyo qaabka ay howl-geli-doonto.

Xisbiyada ugu muhiimsan ee ku jira waa: Wadajir, Himilo Qaran, UPD, Ilays iyo kuwa kale, waana xisbiyo loolan adag ugu jira doorashada 2020-ka.

Waxaa hoggaan ama gole dhexe noqon doona guddoomiyeyaasha xisbiyada qaranka, sidoo kale waxaa ay yeelan doonaan qorshe cad, ujeedkoodana waa iney la xisaabtamaan dowladda federaalka ah.

Arrintan ayaa ku aaday xilli uu dalka ku jiro xaalad siyaasadeed oo aad u qalafsan, waxaa uu mugdi ku jiraa geedi-u-socodka iyo qorshaha 2020-ka.

Goobjoog News