U bood dhigaalka

Madaxa Xafiiska Diiwaangelinta Xisbiyada Oo La Magacaabay, Akhriso Taariikhdiisa

Sheeko:Dalka

Kulan wada tashi ah oo maanta Muqdisho ay ku yeesheen guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo axsaabta dalka ayaa looga hadlay arrimo badan oo la xiriira diiwaangelinta axsaabta iyo qorshaha istaraatiijiyadda 2017-2021-ka.

Inta uu shirka socday ayey guddoomiyaha guddigaasi Xaliimo Ibrahim Yarey u magacawday Maxamed Cumar Maxamud in uu noqdo madaxa xafiiska diiwaangelinta xisbiyada dalka.

Maxamed Cumar Maxamud oo magacaabista kadib goobta ka hadlay waxaa uu sheegay in uu si dhaw ula shaqeyn doono axsaabta dalka isla markaana uu ka soo bixi doono shaqada loo igmaday.

Dhinaca kale, Guddiga madaxabanaan ee doorashada waxaa ay shirka ka sheegeen himilooyin guud ee qorshaha istaraatiijiyadooda oo ay ka mid tahay

  1. In la helo awood sharciyeed oo guddiga ah,
  2. In la dhiso awood ku filan guddiga si uu u fuliyo barnaamijkiisa,
  3. In codbixiyeyaasha xog-ogaal u noqdaan xuquuqda iyo waajibaadka,
  4. In la diiwaangeliyo dhammaan codbixiyeyaasha xaqa u leh,
  5. In la nimaadmiyo xibiyada dalka, murashaxiinta iyo warbaahinta,
  6. In ay dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah iyo
  7. In la sameeyo qiimeyn.

Hadaba, Waa Kuma Maxamed Cumar Maxamed

Maxamed Cumar Maxamud waxaa uu ka soo jeedaa gobolka Hiiraan laakin waxaa uu ku dhashay magaalada Jowhar sanadkii 1959-kii.

Waxbarashada illaa dugsi sare waxaa uu ku qaatay magaalada Muqdisho isaga oo ka qalinjabiyay machadka cabiraadka iyo xisaabaadka halka uu Jaamacadda uga baxay dalka Talyaaniga isaga oo cilmiga dhaqaalaha ka bartay Jaamacadda Modena.

Shaqooyinkii ugu muhiimsanaa ee Maxamed Cumar uu qabtay waxaa ka mid ahaa madaxa xafiiska gaaska 4aad ee magaalada Gaalkacyo iyo madaxa xafiiska maamulka lacagta ee Damaanyo, waa xilligii dowladdii dhexe.

Sanadkii 2000 Waxaa uu xildhibaan ka noqday dowladdii TNG-da, 2011-kii xukuumaddii Cabdiweli Gaas waxaa uu noqday wasiiru dowle halka baarlamaankii 9aad uu ahaa hab-dhowraha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaa maanta loo doortay madaxa xafiiska diiwaan-gelinta axsaabta dalka.

Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News