U bood dhigaalka

Madaxa xafiiska siyaasadda Taaliban ee Qatar oo Is casilay

Sheeko:Dalka

Syed Tayab Agha oo ahaa Madaxa xafiiska siyaasadda Taliban ee Qatar ayaa sheegay in uu iscaliyo, isagoo sabab uga dhigay arinkaas cabsi uu ka qabo in Taalibaan qeybsanto kadib geeridii hogaaliyihii Taalibaan Mullah Cumar.

Syed Tayab Agha Wuxuu sidoo kale sheegay inaysan suuragal aheyn inuu shaqeeyo hoggaamiye lagu doortay meel ka baxan Afghanistan. Xubno sare ayaa sheegay inaan lagala tashan magacowga hoggaamiyaha cusub ee Taliban, Mullah Akhtar Mansour.

Taalibaan ayaa ku kala qeybsantay arinta hogaamiyaha cusub, Waxaa maalin walba soo baxaya koox diiday iyo koox taageersan.

Waxaa xusid mudan in hogaamiyaha cusun ee Taalibaan Mullah Mansuur uu joojiyay wada hadal uu kula jiray dowladda.