U bood dhigaalka

Madaxda Afrika oo ka wada hadlay la dagaalanka kooxaha islaamiyiinta

Sheeko:Dalka

Madaxda lix dal oo Afrikaan ah ayaa maanta ku shiray dalka Kenya,kuwaas oo ka wada hadlay la dagaalanka kooxaha Islaamiyiinta ee Afrika, kuwaas oo la sheegay in dad badan ku dileen qaaradda.

Madaxda dalaka Afrikaan-ka ayaa taageero u raadinaya dagaal-kan ay kula jiraan Islaamiyiinta oo ay sheegeen inay dileen Kumayaal Afrikaan ah sanadkan gudahiisa.

Sida Midowga Afrika ay warbixin ku sheegeen shalay, shirkan ayaa la filayaa in madaxda Afrika ay isku afgartaan Tallaabooyin iyo waddooyinka lagula dagaali lahaa waxa ay ugu yeereen kooxaha argagixisada iyo la isla falanqeeyo qatartooda.

Paul Gabriel, oo falanqeeya arimaha Afrika machadka Control Risks in London ayaa sheegay in waqtiga shirka uu ahmiyad gaar ah leeyahay marka la fiiriyo dagaalada ka soconaya Suuriya iyo Ciraaq, halkaasoo kooxaha Islaamiyiinta Khilaafa ugu dhawaaqeen bishii June ee sanadkan.

Madaxda Shirka ka qeyb galaya waxaa ka mid ah: Madaxweynayaasha Nigeria, Somalia iyo Chad, sidoo kale waxaa ka qeyb galaya, R/wasaarayaasha Algeria iyo wasiiro ka socda Libya, South Africa iyo Ethiopia.

Dhinaca kale waxaa si gaar ah u kulmay Madaxweynayaasha dalak-ka Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh Mohamud iyo Uhur Kenyata, Kenyata ayaa wacad ku maray la dagaalan-ka Al-shabaab, isagoo ka codsaday Xasan in sir-doonka Soomaaliya ay gacan ka siiyaan dhigooda Kenya arimaha Al-shabaab, Al-shabaab ayaa in ka badan 300 oo Kenyaan-ka dilay lix-dii bil ee lasoo dhaafay.