U bood dhigaalka

Madaxda Bisha  Cas ee Soomaaliyeed oo Abaalmarin La Guddoonsiiyay

Sheeko:Dalka

Dr. Axmed Maxamed Xassan, Madaxweynaha Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS) waxaa Golaha Ergooyinka Dhaqdhaqaaqa Caalamiga Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas oo lagu qabtay Jeneefa 7 Disembar 2015 lagu abaalmariyey Biladda Henry Dunant. Biladda xushmada iyo qadarinta leh waa tan ugu sarreysa ee Dhaqdhaqaaqa waxaana loogu talagalay xubnaha ay muujiyeen ballanqaadka aadka u fiican ee  bani’aadamnimo.

Dr. Axmed oo waqtigiisi dhammaanayo sanadkan wuxuu hoggaanka SRCS soo hayey tan iyo sanadkii 1972dii asagoo urur qarameedka soo hoggaaminaayey tobaneeyo sano isbedelo siyaasadeed oo dhib badan iyo marxalado colaad hubeysan jirtay.

Goluhu waxay siiyeen xushmad amaan muujineysa iyadoo la xusaayo “dhaxalka uu reebay waxaa ku cad qaddarinta sare Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed loogu hayo gudaha Dhaqdhaqaaqa, la hawlgalayaasha qeybta bani’aadamnimo uguna muhimsan bulshooyinka deegaanka asagoo sameeyey wax badan si ay u adeegto.”