U bood dhigaalka

Madaxda Dalalka Ku Bahoobay BRICS oo Shirkoodii Sanadkan Ku Qabsaday Dalka Hindiya

Sheeko:War

Ra’isul wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi ayaa xukuumadiisu marti galisay shirka kooxda BRICS ee dhaqaalahoodu soo kobcayo, BRICS waxaa ku midoobay wadamada; China, Russia, India, Brazil iyo South Africa.

Shirkan ayaa looga arrinsanayay sidii loo kobcin lahaa xiriirka ganacsi ee u dhexeeyay dowladaha xubnaha ka ah iyo waliba sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka dhaqaale ee soo waajahay dalalka BRICS ku mideysan xilligan hadda la joogo.

Madaxweynaha dalka China Xi Jinping ayaa sheegay in kooxda dalalka BRICS ay ka horreeyo mustaqbal ifaya iyadoo ay jirto dhibaato guud oo uu la ciirciirayo dhaqaalaha dunidu.

Waxa uu intaa ku daray in dawladaha kooxdan ay la mid yihiin kuwa kale oo duna wakhtiganna uu haysto dib u dhac dhaqaale; waxaana uu xusay in hankooda dhaqaale uu sidiisii yahay waxna aanuu iska bedelin.

Dowladahan BRICS ayaa waxaa daggan 53% dadka dunida, waxay baryihii dambe la daalaa dhacayeen dalabka caalamiga ah ee badeecadaha ay soo saaraan oo aad hoos ugu dhacay, halka qaar ka mid ah ay soo food saartay fadeexado dhanka musuqmaasuqa ah.

Dowladahan ku bahoobay BRICS oo waxsoosaarkooda guud uu gaarayo 16 trillion oo doolar, waxay sameysteen  Banki gaar ah oo u shaqeeya sida; Sanduuqa Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ee saldhiggoodu yahay Washington .

BRICS ayaa la aasaasay sanadkii 2011, iyadoo dantii loo aasaasay ay ahayd in dalalkani adeegsadaan saameyntooda siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee soo kobcaysa, si loo xakameeyo awoodaha reer galbeedka.

Goobjoog News