U bood dhigaalka

Madaxda Dalka Iyo Siyaasiin Oo Kulamo Dhiira Galin Ah La Yeeshay Aabaha Akram Afif Oo Bishii Febraayo Xulka Qatar Kula Guulaystay Koobka Qaramada Qaarada Aasiya

Sheeko:Cayaaraha

Magaalada Doxa ee dalka Qatar waxaa ku kulmay ciyaartooydii hore Soomaaliya Xasan Cafif Yaxya (Faraska Cad) Bashir Fox Mohamed iyo safiirkii hore Soomaaliya ee u fadhiyay dalka Kenya  iminkana ah gudoomiyaha xisbiga isbaheysiga Somaliyeed Amb Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) kana mid ah xubin ka tirsan xariirka ciyaaraha Golf-ka.

Maalmihii lasoo dhaafay ciyaaryahankii hore xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxda Horseed Xasan Cafiif Yaxya (Faraska Cad) waxa uu Magaalada Doxa kula kulmayay mas’uuliyeen iyo siyaasiyiin ka socota Soomaaliya,iyagoo dhambaal hambalyo iyo bogaadin gaarsiiinayay isaga iyo wiilkaasa Akram Cafiif ka dib markii uu wadanka Qadar uu la hantay koobka qaramada qaarada Asia 2019.

 

02-Febraayo 2019-Akram Cafiif ayaa xulka kubadda cagta dalka Qatar kula guulaystay Koobka Qaramada Asia Akram ayaa ahaa laacibka ugu wanaagsan safka Qatar, isaga baasay 11 ka mid ah 19-ka gool ee xulkaas ay ka dhaliyeen koobkii ka dhacay wadanka Imaaraadka Carabta laacib Akram waxaa dhalay Xasan Cafif Yaxya oo ka mid ahaa ciyaartooydii xulka Qaranka Soomaaliya inta u dhaxeysay 1972-ki ilaa 1980-ki.

“Waxaan kaaga mahad celinaynaa adiga iyo qoyskaaga guushii taariikhiga aheyd uu wiilkaaga la gaaray wadanka Qatar qof walba oo Soomaali ayaa ku farxay horomarkaas muuqda uu gaaray waxaan idin rajaynayaa in aad iftiin u noqotaan qoysaska kasoo jeeda Isboortiga Soomaaliya”Waxaa Goobjoog Sports u sheegay Amb Maxamed Cali Nuur (Ameeriko).

 

28-Febraayo 2019-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo howlo shaqo u joogay Magaalada Doxa ee dalka Qadar waxa uu kula kulmay ciyaartooydii hore Soomaaliya ee kala ahaa Bashiir Fox iyo Xasan Cafiif,Madaxweyne Farmaaho waxa uu Xasan Cafif iyo wiilkiisa Akram Cafiif uga Mahad celiyay sharfta ay u soo hoyeen magaca Soomaaliya maadam Akram horantii Febraayo xulka Qatar kula guulaystay koobka qaramada Aasia ee ka dhacay dalka Imaaraatka Carabta.

“Bilooyin ka hor ayaan la shaqeeyay Amb Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) waa shaqsi aad u jecel dhiiri gelintada ciyaaryahanada Soomaaliyeed ee dheela nuucyada kala gedisan isboortig waxaan lee yahay Mahadsanid Mudane” waxaa sidaas goorsii horeesay Goobjoog Sports ugu waramay agaasimaha Astaan Sports Maxamed Cabdi Muudey.

 

Maxamed Farmaajo ayaa bishii April 2018 casuumada u diray ciyaartoydii hore dalka ee kala ahaa Maxamed Ismaaciil,Bashiir Jeenyo iyo Xasan Cafiif yoolkaa safarkaa si ay ugu qeyb galaan una dhiiri gelinayaan xidigihii Da’yarta 17-jira ee kaalinta ka galay koobkii Bariga iyo Bartamaha Afrika 2018 ee ka dhacay Magaalada Bujunbura ee wadanka Burundi.

“Waxaa uu inoo ahaa socdaal taariikh ah madaxweyne Farmaajo waxa uu ina soo xasuusiyay waqtiyadii aan anaga u ciyaaraynay xulka,runtii wixii ka dhacay Burundi waxa ay inoo aheyd waxa aan marna iloobin waxaana ku mahadsan cid Walbo oo kasoo shaqaysay da’yarteena meeshaas ina gaarsiiyay gaar ahaan Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta” Waxaan Goobjoog Sports ugu waramay Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ka mid ahaa xulka qaranka Somalia.

Si kastaba Akram Cafiif ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qadar ku dhashay 18-kii bishii Nofembar sannadii 1996-dii wuxuuna iminka ka mid yahay xirfadlayaasha ugu wanaagsan ee kubbadda cagta.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulanka Amb Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)  iyo Xasan Cafiif

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/316899025635005/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle