U bood dhigaalka

Madaxda Dalka oo Khudbado Ka Jeediyay Madasha Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo khamiis ah ayuu shirkani furmay oo ay ka qeyb galaya madaxda dowladda Soomaaliya, kuwa maamul gobaleedyada, IGAD, beesha caalamka iyo madax kale.

Furitaanka shirka, ayaa mas’uuliyiinta ka hadashay waxaa ay sheegeen sida ay muhiim u tahay in ay madaxda Soomaalida ay soo saaraan wax ay isku racsan tihiin isla markaana keeni kara hab lagu mideysan yahay oo sheegaya qaabka doorasho ee dalka lagu qaban doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlau furitaanka shirka ayaa sheegay in shirkani looga arrinsanayo sida ay noqonayso doorashada 2016-ka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa oo shirka xiriirinayey ayaa sheegay in shirka ay ka filayaan wax u wanaagsan umadda Soomaaliya.

Waxaa goobta ka hadlay Madaxweynayaasha Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo Puntland, iyagoo balanqaaday in shirkan ay natiijo fiican kasoo bixi doonto.

Sharif Xasan ayaa sheegay in aanay wax micno sameneyn in cid walbo meesheedeeda taagnaato taas oo dad badan soo jiidatay, waxaa arrintaas ku raacay madaxdii dalka.

Gabagabdii shirka qeybtiisa koobaad waxaa la sheegay in madaxda ay wada qadeneynayaan mid ka mid ah Hotellada Kismaayo.

Goobjoog News