U bood dhigaalka

Madaxda Dalka Oo Loogu Baaqay Inay Ka Fikiraan Sidii Loo Heli Lahaa Ciidan Hanta Amniga Dalka

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Nuur oo ka mid ah aqoonyahana Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay madaxda dalka in ay ku mashquulaan sidii loo heli lahaa ciidan Soomaaliyeed oo hanta amniga iyo kala dambeynta dalka.

Waxa uu sheegay in xilligaan ay muuqato in lagu mashquulayo ciidamo ka socda dowladda Itoobiya oo lagu daabulayo magaalada Kismaayo, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in dalkaan qofka waxa u qaban karo uu yahay oo kaliya askariga Soomaaliyeed ee sida qarannimada ah lagu soo xulo.

Itoobiya ayuu sheegay aqoonyahankaan in xilligaan uu ka socdo Kacdoon, islamarkaana hadii ciidankeeda la’isku sii haleeyo laga yaabo in saameyn ay ku yeeshaan dalka, maadaama xilli walba dalkooda xaalad adag ay ka dhici karto.

Siyaasiyiinta iyo cid walba oo Soomaaliyeed ayuu tilmaamay in waajib ka saaran yahay sidii loo heli lahaa nabad waarta oo dalka ka dhalata, iyo in lahelo ciidan qaran oo mideysan.

Dowladda Itoobiya ayaa magaalada Kismaayo waxay kusoo daabuleysaa ciidan ka mid ah howlgalka AMISOM, kuwaasi oo la sheegay in dhawaan weerar ay ku yihiin deegaanada Xarakada Al-shabaab ka maamulaan gobalada Jubooyinka.

Goobjoog News