U bood dhigaalka

Madaxda DFS Oo Hambalyo u Dirtay Madaxweynaha Turkiga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Turkiya ka dhacday.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna R/wasaare ku-xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale hambalyo u diray Madaxweynaha Turkiga oo Mar kale ku guuleystay doorashadii ka dhacday Dalkaasi.

Recep Tayyip Erdogan ayaa markii Labaad noqday madaxweynaha Turkiga kadib doorasho shalay ka dhacday magaaladaasi, iyadoo dhanka kalena xisbigiisa uu ku horreeyo kuraasta baarlamaanka dalkaasi.