U bood dhigaalka

Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Ku Wajahan Garoowe

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ay gaaraan qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada.

2-da bishan May oo ku beegan maalinta berri ah ayaa magaaladaasi waxaa lagu wadaa inuu ka furmo shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo dhowaan uu ku dhaawaqay madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland ayaa la filayaa in saacadaha soo aaddan ay halkaasi gaaraan, iyadoo dhanka kalena shirkan ay ku casuuman yihiin maamullada kale iyo sidoo kale madaxda sare ee dowladda dhexe.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimo ku aaddan xaaladda dalka iyo sidoo kale khilaafka madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News