U bood dhigaalka

Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Si Kulul Ula Hadlay DFS

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa ka furmay shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo ay ka qeybgalayaan Afar madaxweyne maamul.

Furitaanka shirkan ayaa waxaa hadallo ka jeediyey madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ugu horreyn madaxda ayaa wax laga xumaado ku sheegtay arrinta Galmudug oo dowladda ku eedeeyeen iney gadaal ka riixeyso khilaafka xoogeystay ee halkaasi ka jira.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo khudbad xasaasi ah halkaasi ka jeediyey ayaa si gaar ah wuxuu kaga hadlay arrimo ay ka mid tahay doorashooyinka maamullada, khilaafka dowladda dhexe iyo arrimo kale.

Wuxuu sheegay in aanu waxbo ka jirin hadallo kasoo yeeray dowladda oo ah iney doonayaan muddo kororsi, maamullada ayuu tilmaamay in doorashooyinka ku qaban doonaan waqtigii loogu talogalao.

Waxa uu dhanka kale tilmaamay in dowladda ay ka dhego fureysatay xallinta tabashada maamul goboleedyada, wuxuuna tilmaamay in aan la huri doonin in la isugu yeero beesha caalamka, xildhibaannada, waxgaradka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed oo dowladda loo dhigto gogol ballaaran.

Madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan ayaa isna dhankiisa dowladda ku eedeeyey ineysan dhab ka ahayn dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab islamarkaana aanay culeys u arag dhibaatooyinka jira.

Kulanka ayaa weli socda, waxaana madaxda maamul goboleedyada la filayaa in markii shirkooda uu soo dhammaado kasoo saaraan war-murtiyeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News