U bood dhigaalka

Madaxda dowladda oo shacabka ugu hambalyeeyay farxadda ciidda

Sheeko:War
Bidix, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisal wasaare Cabdiweli Sheekh
Bidix, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka Soomaaliya Shacabka u marsiiyey hambalyada munaasibadda Ciidda Ummadda Soomaaliyeed.

“Ummadda Soomaaliyeed, waxaan ALLE uga baryayaa in uu ka dulqaado dhibaatada, isla markaana sanadkan sannadkiisa uu gaarsiiyo nabad waarta, horumar, Barwaaqo iyo Midnimo.” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasibadda ciidda barakeysan ee ciiddul Fidri, waxa uuna ugu duceeyey shacabka Soomaaliyeed in ay gaaraan himilooyinkooda, nabadda, horumarka, iyo midnimada.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isna shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u direy hambalyada ciidul fitriga oo maanta loo dabaaldegayo.