U bood dhigaalka

Madaxda dowladda Soomaaliya oo ka hadlay aaska Saado Cali

Sheeko:War

Waxaa maanta aas qaran Muqdisho loogu sameeyay Marxuumad Saado Cali Warsame oo Shalay koox Hubeysan ay ku toogteen Magaalada Muqdisho.

Xubnihii ka qeyb galay aaska Saado waxaa kamid ahaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, kaasi oo sheegay inay iska caabinayaan xarakada Al-Shabaab oo dilka Saado Cali Warsame uusan hakad ku keeni doonin howsha dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ka qeyb galay aaska marxuumadda Guddoomiye xigeenka koowaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Jeylaani Iikar, isagoo sheegay in fanaanadda ay ka tagtay qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo isna qeyb ka ahaa madaxdii duugta ka qeyb gashay ayaa cod dheer ku sheegay in maamulka gobolka Banaadir aan weli lagu soo wareejin laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya, balse uu madaxweynaha afka uu ka sheegay oo kaliya.

Dilka shalay Muqdisho loogu geystay AUN Saado Cali Warsame waxaa si isku mid ah u cambaareeyay madaxda dowladda FS, Midowga Afrika iyo Mareykanka.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay dilka Fanaanadii hore Saado Cali.