U bood dhigaalka

Madaxda Galmudug Oo Lagu Eedeeyay Iney Jabiyeen Qodob Kamid Ah Dastuurka Maamulka

Sheeko:Dalka

Xildhibaan C/wahaab Cali Maxamuud oo ah guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka golaha wakiillada Galmudug ayaa sharci darro ku tilmaamay ka maqnaanshiyaha deegaanka dhammaan mas’uuliyiinta ugu sarreysa maamulkaasi oo hadda midkoon aanu joogin.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha Galmudug, ku xigeenkiisa iyo guddoonka baarlamaanka ay jabiyeen qodob kamid ah dastuurka, maadaama ay dhammaantood ka maqan yihiin degmada Cadaado iyo guud ahaan Galmudug.

Xildhibaanka ayaa uu sidoo kale sheegay in madaxdan ay ka tallabsadeen dastuurka, islamarkaana ay doonayaan in wax walbo lagu xalliyo xeer jajab.

“Arrintaan Dastuurka Galmudug waa ay ku caddahay, waxaana aad uga hadlay qodobka 53-aad kaas oo tilmaamaya sii haynta xilka madaxweynahana, wuxuuna ka kooban yahay Afar qodob, waxaana ugu horreeya hadii madaxweynaha maqanyahay waxaa xilka sii hayna ku xigeenkiisa, haddii ay Labadooda maqan yihiin waxaa sii haynaya guddoomiyaha baarlamaanka, haddii uu guddoomiyaha maqanyahay waxaa sii haynaya guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka, kan ugu dambeeya waxa weeye in madaxdaan kor lagu xusay aanay Hal mar dalka ka maqnaan karin” ayuu yiri Xildhibaan C/wahaab.

Ugu dambeyn, Xildhibaan C/wahaab Cali Maxamuud ayaa sheegay in haddii la fuliyo sharciyada lagu heshiiyo uu meesha ka baxayo wax walbo oo khilaaf ah.

Goobjoog News