U bood dhigaalka

Madaxda IGAD oo Kulan Degdeg Ah Ku Yeelanaya Addis Ababa

Sheeko:Dalka

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in 12-ka bishan ay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku yeeshaan kulan degdeg ah, kaasi oo looga hadli doono arrimaha ku aadan Koonfurta Sudan.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ahna madaxa urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in madaxda IGAD looga baahan yahay in Addis Ababa ay degdeg ku yimaadaan si looga hadlo xaaladda cakiran ee Koonfurta Sudan.

Wuxuu sheegay Desalegn in xaaladda bini’aadannimo eek a jirta Koonfurta Sudan ay tahay mid u baahan in degdeg wax looga qabto.

Waxay kasoo saari doonaan shirka ay yeelan doonaan madaxda IGAD go’aanno degdeg ah iyo tallaabooyin lagu wajihi doono xaaladda Bini’aadannimo ee ka jirta Koonfurta Sudan.

Marar badan madaxda IGAD waxay isugu yimaadeen kulamo gaar ah oo looga hadlayey xaaladda guud ee Koonfurta Sudan, iyadoo dalkaasi u muuqdo mid kasii daraya.

Goobjoog News