U bood dhigaalka

Madaxda Imaaraadka oo Qaabiley Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dhaxal sugaha imaaradda Abu Dubai ee dalka isu tagga imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Sayid Al Nahyaan, ahna ku xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi ayaa qasrigiisa ku qaabiley waftiga madaxweynaha Soomaaliya ee booqashada rasmiga ah ku jooga dalkaasi.

Waftiga oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa qeyb ka ah wasiirka arrimaha dibada Cabdisalaan Hadliye iyo wasiirka Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada , Cali Axmed Jaamac (Jangeli).

Dhaxalsugaha ayaa waxa uu waftiga kala hadlay xiriirka labada dal, iyo sidii wax loo wada qabsan lahaa, gaar ahaan mashaariicda dowladda Imaaraadka ay ka waddo gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagu dhankiisa u mahadceliyey dowladda Imaaraadka iyo kaalinta mugga leh ee ay ka ciyaartay xasilinta Soomaaliya.

Goobjoog News