U bood dhigaalka

Madaxda Indonesia Oo Dadka ka Daad-gureynaya Jasiiradda Baali

Sheeko:Dalka

Madaxda dalka Indonesia ayaa awood uga daad-gureynaya dadka diiday inay ka fogaadaan jasiiradda Bali taasi oo la filan karo inay ka qaraxdo foolkaanyo.

Tobanaan kun oo qof oo ag deganaa jasiiradda ayaa waxay galeen xaalad diyaar garow kuwaasi oo ka digtoon halsita foolkaanyada.

Dadka qaarkood oo ag degan deegaannada u dhow Jasiiradda Bali ayaa waxay dareemayaan amni halka qaarka kalana ay diidayaan in ay ka tagaan xoolahooda.

Waxaa la xiray garoonka ku yaallo Jasiiradda waxaa sidoo kale la xayiray socdaalka dadka u soo dalxiis tago jasiiradda.

Ku dhawaad 100 kun oo qof oo ku nool Jasiiradda Bali waxaa ay la dhibaateysanyihiin daadadka uga yimaada buurta Agongo, waxaana hadda ku harsan goobta dad gaaraya 40 kun oo qof.

Buurta Agongo ayaa gariir bilowday bishii Sebtember ee la soo dhaafay.

Goobjoog News