U bood dhigaalka

Madaxda Jubbaland Iyo Puntland Oo Kasoo Horjeestay Seddax Qodob Oo Ra’iisul Wasaare Cumar Hordhigay

Sheeko:Dalka

Magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal waxaa shalay illaa habeenkii xalay ahaa ka socday kulamo ay lahaayeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Kulamadaan ayaa ahaa kuwo lagu doonayay in lagu dhameeyo tabashada Jubbaland iyo Puntland, hase ahaatee warar aynu helnay ayaa sheegaya in madaxda maamuladaasi ay diideen qodobo ka mid ah kuwo uu soo hordhigay Ra’iisul wasaaraha.

Qodobadaasi ayaa waxaa ka mid ah, in marka hore Jubbaland iyo Puntland ay aqoonsadaan maamulka Galmudug, hase ahaatee waxa ay sheegeen in maamulkaasi uu hareer marsan yahay Dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Waxa ay sidoo kale madaxdaan diideen in magaalada Muqdisho ay uga soo qeybgalaan shir ay Qaramada Midoobay qaban doonto, kaasi oo la sheegay in uu dhici doono dabayaaqada bishan, iyaga oo sheegay in marnaba aysan imaan doonin illaa laga xaliyo tabashadooda.

Sidoo kale waxa ay si cad u sheegeen madaxda Jubbaland iyo Puntland in aysan aqoonsaneen guddiyada madaxa banaan ee Xuduudaha, Federaalka iyo guddiga Doorashooyinka.

Maanta ayaa la filayaa in kulan kale ay isugu yimaadaan dhinacyadaan, waxaana laga yaabaa in maamulada Puntland iyo Jubbaland kasoo dabcaan go’aanadoodaan, hase ahaatee hadii ay sidaan usii cuslaato waxaa laga yaabaa in ay soo fara geliyaan beesha caalamka.

Tabashada gaarka ah ee Jubbaland

Maamulka Jubbaland ayaa isaga sheegay in xiriirka uu u jaray dowladda Federaalka Soomaaliya, ka dib markii xildhibaanada baarlamaanka ay 6-June 2015 ay diideen baarlamaanka maamulkaasi, iyadoo isla maalintaasi madaxweyne ku xigeenka Jubba, Jeneraal Fartaag uu ku dhawaaqay in wax xiriir ah aanay la lahayn dowladda Federaalka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa si arintaan xal looga helo waxa uu safar ku tagay magaalada Kismaayo bishii tagtay ee June daba yaaqadeedii, waxaana kulan uu la yeeshay Madaxda Jubbaland isla garteen in wax walbo la xaliyo.

Tabashada Puntland

Maamulka Puntland ayaa aad uga soo horjeeda maamulka Galmudug, ka dib markii Dastuurka maamulkaasi lagu sheegay in xuduuda ay la wadaagayaan Puntland ay tahay Nugaal.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo hadlay 1-dii bishan July waxa uu sheegay in wax walbo oo dhanka dowladda Federaalka ka jira ay dib uga fiirsan doonaan.

Xiriirka Puntland iyo Jubbaland

Waxaa hadda si aad ah u muuqda xiriirka ka dhaxeeya maamulada Jubbaland iyo Puntland in uu yahay mid aad u sareeya, islamarkaana ay aragti ka yihiin qodobo dhowr ah, sida diidmada Galmudug, iyo aqbalista guddiyada Xuduudaha iyo Federaalka iyo kan Doorashada.

Dowladda Federaalka ayaa waxaa hor yaalla howlo culus oo ah sidii loo qancin lahaa maamuladaan, maadaama ay wax tabanayaan, sidoo kalena dowladda waxaa hor yaalla howlo kale oo loo baahan yahay in ay qabato kahor 2016.

Goobjoog News