U bood dhigaalka

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Cabasho u Gudbiyey Beesha Caalamka

Sheeko:Dalka

Madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan la yeeshay xubno ka socday beesha caalamka, waxaana kulankaasi looga hadlay arrimaha la xiriira khilaafka dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Madaxda beesha caalamka la kulantay waxaa ka mid ah kuwa maamullada Puntland, Galmudug Jubbaland iyo sidoo kale K/galbeed.

Waxyaabaha ugu weyn ee laga hadlay ayaa ah in beesha caalamka iyo IGAD ay soo kala dhexgalaan maamulladan iyo DFS.

Dhanka kale, xubnaha beesha caalamka ka socday ayaa iyaguna ka dalbaday maamul goboleedyada iney soo gabagabeeyaan khilaafkan si aanay u hakan howlaha horumarinta Soomaaliya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News