U bood dhigaalka

Madaxda ONLF Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Jigjiga

Sheeko:Dalka

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Jigjiga ee xrunta Somali State ay gaaraan hoggaanka jabhadda ONLF oo maalintii shalay ahayd lagu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wararka waxay sheegayaan in si weyn looga diyaar garoobay Jigjiga, islamarkaana dadka ay doonayaan in si hufnaan ah kusoo dhoweeyaan madaxda ONLF.

Waddooyinka waaweyn ee Jigjiga ayaa lagu xardhay calanka ONLF iyo sidoo kale sawiradda madaxda jabhaddaasi.

In ka badan 20 sano ayeey ONLF la dagaallamayeen ciidanka Itoobiya iyo Soomaalidii taageereysay, wallow isbedallada Abiy ay sababeen in madaxda ONLF iyo ciidankoodaba si nabad ah ku tagaan Jigjiga.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News