U bood dhigaalka

Madaxda Puntland Oo Ka Shiray Amniga Maamulkooda iyo Xanuunka Coronavirus

Sheeko:Amniga

Shir ay isugu yimaadeen madaxda dowlad gobaleedka Puntland  oo ka dhacay magaalada Garowe uu goobjoog ahaa madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cismaan Karaasha, ayaa looga hadlay arrimo ku aaddan amniga Puntland iyo xanuunka Coronavirus.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa laga soo saaray bayaan ku aaddan wixii kulanka looga hadlay, iyadoo lagu amaray ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ee loo yaqaanno PMPF in ay ka howlgalaan in xeebaha ku teedsan Puntland aysan soo  gelin doomaha kaluumeysiga sharci darrada ah si looga hortago caabuqa COVID-19.

Sidoo kale waxaa la mamnuucay isku imaatinka bulshada goobaha xafladaha, maqaaxiyaha laga cunteeyo, kuwa Shaaxa laga cabo kuwaas inta badan bulshadu aad  u fariistaan  iyo goobaha dhalintu ku ciyaaraan kubadda cagta, iyada oo bandow lagu soo rogay deegaanada Puntland laga bilaabo 1-da April..

Dhinaca kale waxaa laamaha amniga la faray in ay si adag uga shaqeeyaan guud ahaan amaanka deegaanada puntland.

Ugu dambeyn kulanka ayaa bulshada loogu baaqay in ay u hoggaansamaan awaamiirta madaxda soo rogeen sidoo kalena ay qaataan talooyinka caafimaad ee ku aaddan ka hortagga xanuunka Coronavirus kaas oo dunida si ba,an ugu faafay dunidana kala xiray.

Awaamiirtaan ayaa timid ka dib markii dowlad gobaleedyada dalka iyo dowladda dhexe si wada jir ah u joojiyeen duulimaadyada caalamiga ah ee dalka imanayo iyo kuwa ka baxayo cabsida laga muujinaayo COVID-19..

Goobjoog News