U bood dhigaalka

Madaxda Sare Ee Hirshabelle Oo Loo Haysto Musuq-maasuq (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in lacago badan ay musuqeen madaxda ugu sarreysa ee maamulkaasi.

Wasiiru dowlaha kalluumeysiga maamulka Hirshabeelle Xildhibaan C/rashiid C/xakiin Warsame ayaa sheegay in madaxda ugu sarreeysa maamulkaas ay lunsadeen xuquuqdii xildhibaannada baarlamanka.

Waxa uu sheegay Warsame in muddo aanay wax lacag ah qaadan xildhibaannada Hirshabelle, iyadoo la ogyahay in qarashaadkaasi la hayey, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, mudanahan ayaa sheegay in xildhibaannada ay doonayaan iney la xisaabtamaan madaxda Hirshabelle oo uu ugu horreeyo madaxweyne Waare.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News