U bood dhigaalka

Madaxda Soomaaliya, Itoobiya Iyo Kenya Oo Kulan Ku Leh Nairobi

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ka dhaco kulan Saddex geesood ah, kaasi oo u dhaxeeya madaxda dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo sidoo kale Itoobiya.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi kadib markii ay ka baxeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Kulanka maanta ay yeelanayaan madaxdan ayaa waxyaabaha looga hadlayo waxaa ugu horreeyo sidii loo xallin lahaa khilaaka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa doonaya in uu dhammeeyo khilaafka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana laga wadahadlo waxa jira.

Kenya oo dareentay in xilligan ay ku guul-darreysatay dacwadda dhanka badda ah ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Soomaaliya, taasi oo hadalhayn badan dhalisay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News