U bood dhigaalka

Madaxda Ugu Sareysa Dowladda Federalka oo Ku Baaqay Ilaalinta Nabadda Somaliland

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka mudane Xamse Cabdi Barre ayaa siyaabo kale duwan baaq nabadeed uga diray xaaladaha kasoo cusboonaaday gobollada Waqooyi ee Somaliland, kadib bannaanbaxyo rabshado watay oo khamiistii bilowday magaalooyinka waaweyn.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in loo baahan yahay in mas’uuliyiinta Somaliland ee sedexda xisbi siyaasadeed ay wada hadlaan, isaga oo ka digay in xaaladdu gaarto heer la soo farageliyo ama dad ajinabi ah ay u kala turjumaan, waxuuna si gaar ah baaq ugu diray guurtida Somaliland oo u sheegay in ay ka shaqeeyaan sidii nabadda iyo xasilloonida loo ilaalin lahaa.

“Walaalayaaloow waxaan aad ugu dardaraarmaynaa, oo aad uga digaynaa, ha gaarina meel dibadda la idinka soo farageliyo, meel Soomaali kale in ay idiin timaado aad u baahataan, meel ajinabi inuu idiin yimaado aad u baahataan ha gaarina, waxaa kaliya aad uga baaqsan kartaan waxaa ay tahay, inaad wada fariisataan, wadahadashaan, horeyna aad usocotaan” ayuu yiri.

Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Xamse Cabdi Barre ayaa dhankiisa sheegay sida uu uga xun yahay rabshadaha kasoo cusboonaaday Somaliland, kadib markii la isku mari waayay doorashada madaxweynaha, taas wax natiijo xisbiyadu  isla gaarin, waxaana uu xusay in ay astaan u yihiin nabadda iyo Dimuquraadiyadda sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ka xumahay rabshadaha iyo qalalaasaha ka socday labadi maalin ee u dambaysay qaar kamid ah Magaalooyinka Somaliland. Walaalayaal mar walba waxaad astaan u ahaydeen domiqueaadiyadda iyo inaad xilka si nabad ah ugu kala wareegtaan, Waxaan idiin kugu baaqayaa inaad ilaashataan Nabadda iyo kala danbeynta uu Alle idin siiyay” ayuu yiri.

Hadalka kasoo baxay madaxda ugu sareysa dowladda federalka ah ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo magaalooyinka waaweyn ee Somalailand khamiistii ka bilowdeen bannaanbaxyo rabshado watay, kaas oo ay dhigayaan taageerayaasha xisbiyada mucaaradka oo looga soo horjeedo xukuumadda, iyagoo sheegay in ay sii wadayaan, kadib mudaharaadkooda.

Goobjoog  News