U bood dhigaalka

Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Somaliland oo Loogu Baaqay iney Ka Fogaadaan Qabyaaladda

Sheeko:Dalka

La Taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee dhinaca doorashada Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ayaa madaxda axsaabta siyaasadda Somaliland kula taliyay iney ka fogaadaan qabyaaladda oo ay dadku ka qabaan xasaasiyad gaar ah.

Cabdillaahi Jawaan oo ahaa guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Somaliand ee ugu horreeyay, lana hadlay wargeyska Geeska ee ka soo baxa gudaha Somaliland ayaa Axsaabta siyaasadda ee muxaafid iyo mucaaradba kula dardaarmay iney ka digtoonaadaan qabyaalladda oo dadku ay xasaasiyad gaar ah ka qabaan:

La taliyaha madaxweynaha Somalialnd Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiyada waxaan kula talinayaa nimanka madaxda ka ah Xisbiyada in marka ay wadahadlayaan in qabiilka laga fogaado, laakiin haddii ay ka fogaan waayaan waxay taasi keenaysa in dadkeenu isku burburo, maxaa yeelay dadkeenu uma adkaystaan waxyaabaha qaar, Ragga tartamaya si wanaagsan ha u tartamaan, oo ha soo bandhigaan barnaamijka ay ku tartamayaan, oo ha yidhaahdo Xisbiga Mucaaradku  waxaas iyo waxaas ayaan kaga wanaagsan nahay Xisbiga Muxaafidka, oo waxaas ayaa laga gaabiyey, Xisbiga Muxaafidkuna  uu isna yidhaahdo Dawladaydu iyo Xisbigaygu waxaas ayey qabteen, waxaas oo wanaagsana waan ku darayaa, waxa naga khaldmayna waan saxayaa”.

Shacabka Somaliland ayuu ugu baaqay haddii ay wax dooranayaan inaaney qabiil u eegin maadaam aanuu qabiilku xad lahayn.

” Shacabkana waxaan kula talinaya nina qabiil ha ku taageerina ee ninka dantiina waduun taageera, sidaas ayeynu qaran ku noqonaynaa, laakiin haddii ay qabiil noqoto, qabiilku xad ma leh, waa basashaas la dhilayo, marka yeynaan dib u noqonin ee aynu korno, oo kor aynu u socono, awooda dadka ayaa leh, oo qof walba ninka aad is tidhaahdo dalka ayuu wax u qabanayaa codkaaga sii”.

Marka lagu jiro ol’olaha doorasho amaba ay shirayaan xubnaha sarsare ee Axsaabta siyaasadda Somalialnd ayaa lagu eedeeyaa iney qabyaaladda si xoogleh u adeegsadaan, iyadoo Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga Ucid uu bilawgii bishan Janaayo uu ku eedeeyay guddoomiyeyaasha Kulmiye iyo Waddani iney qabyaalad u sacaba tumayaan.

Goobjoog News