U bood dhigaalka

Madaxii Al-Qaa’ida ee Yemen oo Duqeyn lagu dilay

Sheeko:Dalka

Sida uu qoray Khaled Omar Baterfi afhayeenka Kooxda, Sheikh Nasser al-Waxayshi oo ahaa madaxii Al’qa’idada Yemen iyo labo kale ayey ciidamada Mareykanka ku dileen duqeyn ay ka fuliyeen dalka Yemen.

Afhayeenka Al-Qa’ida  ayaa inta aku daray in lagu badalay jagadiisii ninka kale oo lagu magacaabo  Qassim al-Raymi.

Hogaamiyaha la dilay, Waxaa uu caan ka ahaa dalka Afgaanistaan, waxaa uu sidoo kale Saxiib soke la ahaa Hogaamiyhii Al’Qa’ida Usama Bin Ladin.

Waxaa sidoo kale la sheegaa in Al-Waxshi horay loo xiray, kana  badbaaday isku day dil.