U bood dhigaalka

Madaxii Hore Ee Xarakada Ikhwaanka Oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Waxaa geeriyooday Maxamed Mahdi Caakif oo ahaa hogaamiye ka tirsan ururka Ikhwaanul-Muslimiin,kaasi oo ku dhintay Isbitaalka Qasrul Ceyn ee magaalada Qaahira.

Mahdi Caakif ayaa waqti ku qaatay xabsi kaasi oo loo haystay arrimo sida ay sheegeen qoyskiisa iyo ilo ka tirsan ururka Ikhwaanul-muslimiin.

Caakif ayaa waqti hore laga saaray xabsiga isaga oo la geeyay Isbitaalka Qasrul-Ceyn ay dowladdu leedahay si loo daaweeyo.

Warar ay ku baahiyeen Internetka Ikhwaanul-Mislimiinka ayaa waxay ku sheegeen in Mahdi Akef uu ku dhashay tuulo ku taalo gobolkiyah sanadka markuu ahaa 1928,waxaa uuna ka baxay machadka sare ee jir dhiska sanadkii 1950 si uu u noqdo macalin dadka bara jirdhiska

Mahdi Akef ayaa ku biiray sanadka markuu ahaa 1940 ururka waxaa uuna madax ka noqday qeybta aradad sanadkii 1954.

Akef ayaa la wareegay jagada Murshidnimo ee ururka Bshii Janaayo,2004, isaga oo badalay Maxamed Al-Ma’muun kaasi oo dhintay maalmo ka hor inta aan la dooran Akef.