U bood dhigaalka

Madaxtooyada Soomaaliya Oo Lagu Eedeeyay Inay Lacago Ku Bixineyso Doorashada Hirshabeelle

Sheeko:Dalka

Musharrax Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Xasan Taakoow ayaa sheegay in Musuqmaasuq lagu sameeyey Doorashadii Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaasi.

Wuxuu sheegay in faragelin toos ah ay madaxtooyada Soomaaliya ku heyso maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Musharrax Cali Xasan ayaa sheegay in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay lacago badan geeyeen madasha shirka ee Jowhar kuwaasoo uu ku tilmaamay in lagu marin habaabiyay howlaha doorashada guddoonka baarlamaanka.

“Gabar xildhibaanad ah oo ka socota madaxtooyada Soomaaliya oo wada lacago badan taas oo loo adeegsaday doorashadii laguna  marin habaabiyay, arrintaas aad ayaan uga cabanaynaa madaxtooyada ayaa soo faragelisay, xukuumadda ayaa soo faragelisay waana ka cabanaynaa, waxaana loogu adeegayaa doorashada Soomaaliya” ayuu yiri musharraxani.

Dhanka kale, musharrax Cali Xasan Taakow ayaa sheegay in saami qeybsiga beelaha ay dowladdu si qaldan u maareysay islamarkaana qaar kamid ah beelaha ka soo jeeda gobolka Shabeellaha Dhexe takrifalay xaqii ay lahaayeen.

Waxa uu sheegay in musharraxnimadiisa uu hakad gelinayo maadaama howlaha doorashada loo adeegsanayo dhaqaale fara badan.

Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa looga diyaargaroobayaa qabsoomidda doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa, dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan dadka musharrixiinta ah ayaa ka soconaya magaaladaasi.

Goobjoog News