U bood dhigaalka

Madaxwaynaha Kenya oo dib ugu noqday Nairobi

Sheeko:Dalka
Uhuru Kenyatta oo gacanta u taagaya taageerayaashiisa
Uhuru Kenyatta oo gacanta u taagaya taageerayaashiisa

Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Nairobi maalin kadib markii uu noqday madaxwaynihii ugu horreeyey isagoo xil haya  hor taga maxkamadda dambiyada adduunka.

Markii uu gaaray garoonka diyaaradaha waxaa soo dhoweeyay boqollaal taageerayaashiisa ah halka kumanaan kalena ay ku sugayaan wadooyinka magaalada.

Qareennada u doodaya Uhuru ayaa ka dalbaday garsoorayaasha maxkamadda dambiyada adduunka in ay dacwadda meesha ka saaraan.

Madaxwayne Uhuru Kenyatta iyo ku-xigeenkiisa William Ruto ayaa lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la sheegay in la gaystay xilligii ay socdeen qalalaasihii doorashadii 2007-da balse labadooduba waxa ay beeniyeen eedeymaha loo jeediyay.