U bood dhigaalka

Madaxwaynaha maamulka Puntland oo Garoowe kula kulmay agaasimaha guud ee hay'adda FAO

Sheeko:Dalka
Midig: Gaas oo kulan la qaadanaya madaxda FAO,/ Xuquuqda sawirka:Horseedmedia
Midig: Gaas oo kulan la qaadanaya madaxda FAO,/ Xuquuqda sawirka:Horseedmedia

Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa  kulan kula qaatay magaalada Garoowe agaasimaha guud ee hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka adduunka ee qaramada midoobey FAO .

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada maamulka Puntland ee magaalada Garoowe kula kulmay agaasimaha guud ee hay’adda cunnada iyo beeraha dunida ee FOA Rudi Van Aaken iyo sidoo kale madaxa FAO ee Puntland Maxamed Salax Al-sudani.

Kullanka ayaa mudadii uu socday waxaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen:-

1: Dar dar galinta mashaariicda horumarineed ee ay hay’adda FAO ka wado gudaha Puntland  iyo sidoo kale mashaariic ay ka mid yihiin kalluumaysiga, daweynta xoolaha iyo waliba tallaalka.

2: Suuqyada Kalluunka, Xoolaha, Hagaajinta Jidka isku Xira Eyl iyo wadada dheer ee laamiga.

3: Dhisida Xarumo loogu tala galay in la dhigo talaagadaha lagu qaboojiyo Kalluunka .

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Rudi Van Aaken ayaa isku af gartay in mashaariicdan lagu dhameeyo mudo kooban si ay u noqdaan mashaariic ay ka faa’iidaystaan shacabka maamulka Puntland.