Madaxwaynaha maamulka Ximan iyo Xeeb oo gaaray Cadaado

Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Maxamed BaarleexMaxamed Cali Baarleex
Sawir hore:Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Maxamed Baarleex

Waxaa maanta magaalada Cadaado gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxwaynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Maxamed Baarleex.

Safarka madaxwaynaha waxaa ku wehelinayay xubno ka mid ah ergooyinkii ka qeyb geli lahaa shirka wada tashiga beelaha wada dega gobollada dhexe ee dalka kuwaasi oo degmada Cadaado lagu soo dhoweeyay.

Madaxwaynaha ayaa u mahad celiyay dadkii ku soo dhoweeyay magaalada Cadaado isaga oo sheegay in uu goor dambe warbaahinta la hadli doono.

Magaalada Cadaado ayaa marti galineysa shirka wada tashiga ee maamul goboleedka loogu dhisayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Related Articles

31 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW