U bood dhigaalka

Madaxwaynaha dalka oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay maanta magaalada Muqdisho kadib gudashada waajibaadka xajka oo uu sandkan u tagay boqortooyada Sucuudiga.

Madaxwaynaha ayaa hadal kooban ku siiyay warbaahinta gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxa uu sheegay in ay u soo duceeyeen ummada soomaaliyeed in ilaahay ka dul qaado dhibaatada.

Mar uu soo hadal qaaday dagaalada ka socda qaar ka tirsan gobolada dalka oo lagula dagaalamayo xarakada Al-shabaab ayuu sheegay in uusan joogsan doonin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.