U bood dhigaalka

Madaxwaynaha Soomaaliya oo gaaray boqortooyada Sucuudiga

Sheeko:Dalka
Madaxwayne Xasan iyo Wasiir Ridwaan oo ku sugan garoonka Aadan Cadde inta aysan u duulin Sucuudiga
Madaxwayne Xasan iyo Wasiir Ridwaan oo ku sugan garoonka Aadan Cadde inta aysan u duulin Sucuudiga./ Xuquuqda sawirka: Radio Muqdisho

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jidda ee boqortooyada Sucuudiga si uu u guto waajibaadka Xajka ee sanadkan.

Masuuliyiin ka socday Jaaliyada Soomaaliyeed iyo safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalkaas ayaa soo dhoweyn diiran u sameeyay wafdiga madaxwaynaha.

Madaxwayne Xasan ayaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato madaxda boqortooyada Sucuudiga kadib gudashada waajibaadka Xajka.

Ku xigeenka ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka diinta iyo awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya ayaa ku wehliya madaxwaynaha safarka.