U bood dhigaalka

Madaxwayne Deni oo Tababar u Soo Xiray Ciidan Kamid Noqonaya Daraawiishta Puntland+Sawirro

Sheeko:Amniga

Madaxwaynaha dowlad Goboleeda Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa maanta tababar u soo xiray Dufcadda labaad, kuwaasi bilihi ugu danbeeyay tababaro kala duwan ku soo qaatay Xerooyinka Ciidan Ee ,54aad ,Xorgoble iyo Badhan, waxaana Goob joog ka ahaa xafladii xirataanka Taliyaha Guud ee Ciidamada Daraawiishta Puntland, Wasiiro kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Puntland iyo Saraakiil Amni.

Ciidamadan ayaa soo bandhigay intii xafladoodu socotay gaado ka cayaar iyo aqoon la xiriirta xirfadihii kala duwana ee ay barteen Muddadii tababarka u socday, iyadoo Taliyaha guud ee Cidamada Daraawiishta Puntland Sareeyo Gaas Yaasin Cumar Dheere uu ka hadlay ciidamada iyo wax yaabihii ay barteen mudadi ay ku jireen Tababarkooda.

Wasiirka Amniga dowlad Goboleedka Puntland mudane Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa Bogaadiyay tababarka ciidamadaani, isagoo xusay in ay dadaal badan galiyeen tayaynta ciidamada iyo helista xuquuqdooda.

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Dani oo la hadlayay ciidamada ayaa ku booriyay inay qaataan waajibaadka ka saaran la dagaallanka aragagaxisada iyo cadowga Ummadda Soomaaliyeed isagoo dhanka kalana ugu baaqay koxaha aragagaxisada ah ee ku dhumaalaysanaya Buuralayda Galgala iyo Calmadow inay isa soo dhiibaan.

Madaxwaynaha Puntland ayaa kula dardaarmay cutubyadaani Ciidan inay ilaaliyaan Xuquuqul insaanka hab dhaqan wanaagsana kula macaamilaan bulshada xilliyada Howl galladu jiraaan.    

 

Goobjoog News