U bood dhigaalka

Madaxwayne Gaas oo maanta dhagax dhigay wado muhiim u ah Garoowe

Sheeko:Dalka
    Gaas oo dhagax dhigaya wadada, xuquuqda sawirka: Raxanreeb
Gaas oo dhagax dhigaya wadada, xuquuqda sawirka: Raxanreeb

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maanta dhagax dhigay wadada isklu xirta garoonka diyaaradaha ee Garoowe iyo Laamiga magaaladaasi.

Wadadan ayaa waxaa ka soconaya dayactir la doonayo in lagu sameeyo wadada dheer ee Garoonka iyo Laamiga u dhaxeysa oo muddo aan helin wax dayactir ah.

Hogaamiyaha Puntland C/weli Gaas ayaa shacabka ugu baaqay inay isku tashadaan oo ay u istaagaan dib u dhiska deegaanadooda.

Dherarka wadada la dayac tirayo ayaa ah 10-KM iyo 200-m oo ka soo bilaabanaysa halka laga galo garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe waxaana uu ku dhamaanayaa buundada Majabaxsi .

Madaxwaynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Mashruucani uu ka mid yahay Mashruucyada Horumarineed oo Puntland ay ka wado guud ahaan gobolada maamulka.

‘’Dayactirka Wadooyinku waa muhiim sababtoo ah wax walb oo la dhiso hadaan la dayactirin oo aan laga shaqaynin waxaa badanaya dhibta,Kharashka mar walba ku baxayana waa sii siyaadayaa ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

‘’Waxaan rabnaa Puntland shacabkeeda, Ganacsatadeeda , Dhalinyaradeeda , Culimadeeda ,Mutacalimkeeda ,Waayeelkeeda ,Madax dhaqmeedkeeda in ay fahmaan inay jiraan wax-badan oo aynu gacanteena ku fushan karno dhibna aan nagu ahayn marka aynu uwada kacno waana in aynu cid kale ugu tiirsanaan‘’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.