U bood dhigaalka

Madaxwayne Xasan oo daah furay kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya

Sheeko:Dalka
Madaxwayne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedinaya kulanka/Xuquqda sawirka:radiomuqdisho.net
Madaxwayne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedinaya kulanka/Xuquuqda sawirka:radiomuqdisho.net

Madaxwaynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah furay kal-fadhiga shanaad ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka oo ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho waxaa ka soo qeybgalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoonka Baarlamaanka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Ku-simaha Ra’isulwasaaraha, wasiirro, xildhibaannada Golaha Shacabka iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed  Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ugu horeyn khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa si kooban u guud maray howlihii u qabsoomay Golaha Shacabka Afartii Kal-fadhi ee lasoo dhaafay, waxaana uu dhanka kale ka hadlay Hindise Sharciyeedyada la rabo in Baarlamaan ku ansixiyaan kuwaasi oo muhiim u ah halka la hiigsanayo 2016-ka sida:- Federaaleynta, Garsoorka, Amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta Arrimaha Bulshada.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa yiri “Qodobka saddexaad ee dastuurka, mabaadi’da guud ee aan ku dhaaranay waxaa ka mid ah xukumad ku dhisan wada tashi, kala soocidda awoodda sharci dejinta iyo fulinta, garsoor Madax banaan oo ku dhisan  isla xisaabtan iyo hufnaan iyo ka jawaabid danaha dad weynaha sidaa daraadeed, Mudane Madaxweyne, Mudanayaal, Mudane ku sime- Ra’iisul wasaare iyo mudanayaasha sharafta leh ee golahan, waxaan idin ka codsanayaa, anigoo naf ahaan iska bilaabaya in aan u hiilino xasiloonida siyaasadeed, xil gudasho hufan iyo horumarin”.

Afhayeenka golaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa digniin u diray Xildhibaannada maqan oo uu xusay inaanan loo dulqaadan doonin maadaama kal-fadhigan 5-aad Baarlamaanka ay horyaalaan howlo badan, waxaana uu dhanka kale si adag ula dardaarmay Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka oo uu ku booriyey in ay howlahooda laba laabaan Kalfadhigan 5-aad si halka la hiigsanayo loo gaaro.

Intaa ka dib, madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Golaha Shacabka ka hor jeediyey Khudbaddiisa dastuuriga ah ayaa ugu horeyn yiri “waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta furo Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” waxaana golaha Shacabka uu ku ammaanay shaqooyinkii adkaa ee ay soo qabteen labadii sano ee la soo dhaafay, daruuf walba oo ku hor gudbooneed, sidoo kalena Madaxweynaha waxa uu tacsi u diray Xildhibaannadii geeriyooday mudadii ay xilka hayeen ee intooda badan lagu dilay gudaha Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kooban Xildhibaanada ugu guud maray howlaha ugu waaweyn ee ay dowladdu ka qabatay dhinacyada Amniga, howl gallada deegaanno iyo degmooyin badan oo dalka ka mid ah lagala wareegay Al-Shabaab, hir gelinta iyo dhismaha maamul goboleedyada, shirarka dib u heshiisiinta ah ee ka socda magaalooyin ka mid ah dalka, dhismaha hay’adaha dowladda iyo toosintooda taasi oo horseeday buu yiri iney dowladdu bixiso mushaaraadka Ciidammada Qalabka Sida iyo shaqaalaha rayidka ah, hormarinta Waxbarashada Dalka iyo wanaajinta xiriirka dalalka deriska ah iyo kuwa caalamka.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka ayaa faah faahin ka bixiyey dacwad ay Dowladdu u gudbisay Maxkamadda caalamka oo la xiriirta Badda Soomaaliya iyo shirkado si sharci darro ah kheyraadka uga baaraya Dalka, Baarlamaanka ayuuna ka codsaday iney ku garab ku siiyaan qabashada howlahaasi, sidoo kalena waxa uu Madaxweynaha ka hadlay Hiigsiga 2016-ka, isaga oo Xildhibaannada Golaha Shacabkana ka hor ballan qaaday inaanay dhici doonin mudo kororsi ama dowlad xubnaheeda la soo xulo, isla markaana ay dalka ka dhici doonto doorasho.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Xukuumadda in ay wada shaqeyn joogta ah la yeelato Baarlamaanka, fariin ayuuna dhanka kale u diray shacbiga Soomaaliyeed oo uu ku booriyey in aey si isku duubni ah meel uga soo wada jeestaan cadwgooda sida uu hadalka u dhigay, beesha caalamkana waxa uu ku booriyey in ay sii laba jibaarto taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, ugu dambeyna waxa uu Baarlamaanka u rajeeyey labada sano ee soo socota guul iyo horumar.